10 Cunto Oo Ilaaliya Caafimaadka Iyo Quruxda Dumarka

Halakan ka aqiso 10 ka cunto oo ilaaliya caafimadka iyo quruxda dumarka:
1-kalluunKalluunka: Malaaygu wuxuu u leeyahay nafaqo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin waxa lagu magacaabo Omega-3 fatty acids oo aad ugu wanaagsan jirka yaraysana dhiig karka, in xayri xirto xididada, sidoo kale waxay ka hortagtaa inuu wadnuhu istaago iyo garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn, xanuunada kala goysyada iyo niyad jabka (depression). Sidoo kale waaxaa ku badan malaayga noocyada kala gedisan ee vitamin-B.

2-Shukulaatada madow
Shukulaatada Madow: Ma ahan oo kaliya in dumurku jecel yihin shukulaatada waxa ay kaloo u fiicantahay dhiiga oo isku dhigin iyadoo kugu caawisa inaa xinjiriha dhiiga kala fuqaan. Baaris ayaa sheegeysa in shukulaatado kugu cawiso inaa culays ka dhinto jirka taaso aad had iyo goor dareemesid inaa dharagsantahay.



3-Ukunta
Ukunta waxay ka koobantahay barootin u dhigma 25% oo jirka bani’aadamka u bahanyahay maalinti. Waxa kaloo ku jira madaada Choline taasoo hoos u dhinta qatarta kansarka naasaha. FG: dadka qaba cudurada wadnaha, ma u ficna inay cunaan hal ukun ka badsadan malintii.

4-Caanaha garoorka ah (Yogurt) : Caanaha yogurt-ka waxaa laga helaa macdanta  potassium, phosphorous, riboflavin, iodine, zinc vitamin B5 iyo Vitamin B12 oo ilaaliya unugyada dhiiga cas, sidoo kale waxa uu caawiyaa in maskaxdu si wanaagsan u shaqayso. Yogurt-ku waxa uu ka hortagaa caabuqa hoosta haweenka (vaginal infections).


 
5-Spinach (Koostada): Koostadu waxay u fiicantahey murqaha sidoo kale waxay dhinta qatarta wadne xanuunka iyadoo ka sifaynaysa saliida ku jirta xididada wadnaha. Waa haboontahay in asbuuci laba goor casho laga dhigto.

 
6-Caanaha: Waxaa ku badan macdanta calcium oo ilaalisa caafimaadka iyo xooga lafaha.

 
7-Shaaha cagaaran: Baritaan ayaa sheegaya in shaaha cagaaran daciifiyo in kansarka fido, dhimo culayska, zaa’idiyo caafimadka beerka, dhimana qatarka cudur maskaxeed. Waxa kaloo barista shageysa in shaaha cagaaran dhimo qatarta sigaarka ku keeno sambabada.

8-Yaanyada: Yaayada waxay hodon ku  tahay ama laga helaa vitimiin c iyo  macaadin aad u muhiim ah. waxay daawo u tahay dhiig yarada. Yaanyada waxa ay ka hortagtaa in arooriyashaa dhiigga ay is xiraan waxay u wanaagsantahay caafimaadka maskaxda waxay yaraysaa miisaanka jirka.

 
9-Bariis: Bariiska midabkiisa kafeega yahay ayaa caloosha socodsiiaya, sidoo kale wuxu ka koobanyahay madooyin muhiim u ah caafimadka maskaxda iyo wadnaha.

 19-Digirta :waxa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay firilayda ugu wanaagsan raashinka. Waxa ay hoos u dhigtaa heerka subaga dhiigga ama duxda, waxa ay ilaalisaa sonkorta dhiigga iyo shaqada Insuliinta, waxa ay siyaadisaa caafimaad-qabka habka qashinsaarka.
Haddii aad ka fekerto inuu jidhkaagu helo barotiin, macdanaha jidhka ka ilaaliya sumowga waxaad markiiba haddii aad taqaan maskaxdaada ku soo dhacaya hilibka iyo khudaarta. Laakiin waxa la isku raacay in digirtu ay ka kooban tahay dhammaanba waxtarka kor lagu sheegay.

Iskaabulo. blogg . Waa blogg ka hadlo arimaha nolasha sida, Jaceelka, Calafka, Quruxda, Masayrka, Guurka, Raxada Iyo Galmada.

Comments