Gacaliye/Gacaliso Mar walba qalbiga ayaa ku sabaa Magacaaga

Blogg nolosha ka faaloota ee  iskaabulo.blogg ayaa kuu soo bandhigaysa warbixin xasaasi ah taasi oo ka hadlaysa arima ku saabsan dhanka fariimaha jaceylka.



Fariimo Muhiim ah:-
1-Haddii riyada la dalban karo waxaan Alle ka dalban laha in aan adiga kugu riyoodo , Qaali waxaad ogaataa haddi aad ahaan laheyd ilinteyda marnaba ma ooyi laheyn waayo ma doonayo in aan ku waayo oo aad dhulka iiga dhacdo.
2-Xabiibi haddii aad tahay qofka labaad ee aan jeclahay , hadaba waa kee qofka koowaad ee aan ka jeclahay , jawaabtu wax ay tahay maba jirto , mar waliba adiga ayaa ii ah qofta koowaad ee aan jeclahay.
3- Magaacada ayaan ku xardhay oo aan ku shabadeeyay xabadkeyga ,waxaan ku sawiray jaceylka aan ku qabo qalbikeyga runtii dhoola cadeyntaada ayaan u xiisay kuma ilaawayo waligeey.
4-Haddii 100 qof ay ku jecashahay waana ka mid ah ahay , haddii hal qof uu ku jecel yahayna kaasi aniga waaye aniga waaye aniga waaye .
5- Macaan Badan qaado indhaheyga balse ii ogalaaw marka hore in aan ku arko , qaado maskaxdeyda balse ii ogalaaw in marka hore kaa fekaro, qaado gacmaheyga balse ii ogalaaw in aan kugu taabsado , balse ha isku dayin in aad qaadato qalbikeyga maxaa yeelay horay ayuu dhankaada u jiray.
7- In aan ku iloobo aad ayay u adag tahay balse in aad i iloowdo adiga ayay ku taal, iska iloow SMS-kaan balse qofka soo diray ha iloowin waligaa .

_______________________________Iskaabulo.blogg  Team

Comments