Sanadahan danbe waxaa inagu soo kordhay xaflado iyo xusas badan oo aynaan Diin iyo dhaqan midna u lahaan jirin, kuwaasoo ujeedadooda aynaan si dhab ah u fahmin waxaana ka mida xafladahaas xuska maalinta jacaylka aduunka (Valentine day) taasoo la xuso sanadka kasta Bisha February 14keeda hadaba aan isweydiine maxay tahay Valentine day? Goormaa xuskeedii ugu horeeyey la bilaabay? Yaase xusa?
Si aynu jawaabo waafiya oo ku
saabsan saddexdan su,aalood u helo aynu dib ugu noqono Taariikhda
Valentine day, goortay bilaabantay, cida
bilawday iyo sababta loo xuso.
Maalintan 14KA February waxay
kulmisay maalmo kala gedisan oo ku suntan taariikhda dadka rumaysan diinta kiristaanka maalmahaas
oo ay dhaceen falal lagu khaarajiyey
qaar ka mida baaderiyiintii ugu waaweynaa, baaderiyiinta la laayey waxaa
kulminayey magacyadooda oo isku mid ahaa Valentine iyo maalinta la laayey oo ahayd 14ka February
Sida ku qoran diiwaanka taariikhda madhabta kaatooliga ee diinta masiixiga
xiligii bilowgii diinta kiristaanka
waxaa jiray 3 baaderi oo kiristaan ahaa (Bishops)
kuwaasoo 3dooda magacba wada ahaayeen
Valentine mid wuxuu ahaa baadeeriga
kaniisada Roma mid kalena wuxuu ahaa
baaderiga kaniisada magaalada Terni oo
isla talyaaniga ah kan kale wuxuu u soo gudbay qaarada afrika isagoo daaci
diinta kiristaanka fidinaya saddexdaba waxaa la dilay isku maalin taasoo ahayd
February 14keedii laakiin sanadaha la dilay way kala duwanayeen wuxuunbaa
kulmay maalmaha la dilay oo ahaa
February 14keedii.
Habadaba sheekada valentine day
waxaa xiiso gaar ah u sii yeelay siina
xoojiyey siday isku raacsan yihiin diiwaanada taariikhda ee madhabta protestant
iyo madhabta kaatooliga ee diinta kiristaanku waxaa weeye waxaa jiray markay
taariikhdu miilaadigu ahayd 270 Boqor Roman ah oo la odhan jiray Claudius 2aad
kaasoo dhalinyarada wiilasha ee askarta
ah ka mamnuucay inay guursan karaan isagoo markaa u arkayey haday guursadaan in
aanay dagaal geli karayn maadaama ay cadawyo badan oo darafyada ka xiga
lahaayeen oo mar kasta dirir iyo dagaal u joog ahaayeen hadaba sida la weriyey waxaa jiray baaderi
kiristaan ah oo magaciisu la odhan
jiray Valentine kaasoo si qarsoodiya dhalinyarada wiilasha
askarta ah ugu guurin jiray gabadha mid
kastaa la soo heshiiyo isagoo markaa u
arkayey in amarka boqorku ku mamnuucay
in askartu guursan karaan ka horimanayo diinta kiristaanka balse aakhiritaankii waxaa warkii gaadhay boqorkii sidii ayaana
baaderigii lagu soo qabtay oo lagu xidhay
hadaba sida ku qoran diiwaanka madhabta kaatooliga ee diinta masiixiga
ninkii baaderiga ahaa waxay jeelka isku
barteen kuna saaxiibeen nin ka mida askari jeelkii ilaalin jiray kaasoo magaciisa lagu sheegay
ASTERIUS oo dhalay gabadh indho la’ayd
wuxuuna askari jeelkii baaderigii kiristaanka ahaa uga sheekeeyey indho la,aanta gabadha uu
dhalay iyo culayska ay ku hayso.
Baaderiga oo dhanka dabiibka ku fiicnaana wuxuuna
dabiibay gabadhii taasoo aragii ka maqnaa heshay waxaana halkaas ka dhashay jacayl dhex maray gabadhii iyo baaderigii
daaweeyey iyadoo gabadhii jeelka ku soo
booqatay baateerigii balse intaanay is
calfan ayaa baaderigii deldelaad lagu xukumay
sida la weriyeyna intaan la deldelin
ka hor ayaa baaderigii
kiristaanka ahaa codsaday in loo keeno qalin iyo warqad wuxuuna ku qoray erayo
sagootin iyo dardaaran ahaa kuwaasoo uu u dhaafay gabadhii ay is jeclaayeen
weedhahaasina waxay ahaayeen WAXAY
KAAGA TIMI VALINTINE (FROM YOUR VALENTINE) aakhirkiina ninkii baaderiga ahaa ee magaciisu ahaa Valentine waxaa la
deldelay February 14, 270 isagoo xusaya shahiidnimada 3daa baaderi ee
kiristaanka ah oo la dilay iyagoo daaciyiin ah
iyo baaderigan danbe ee isna ka
hor yimi amarkii boqorka jaahilka ah sidaasna lagu deldelay ayaa Pope Gelasius oo ahaa Pope guud ee diinta kiristaanka
fadhigiisuna ahaa kaniisada magaalada Roma
taariikhda miilaadiga ahi markay ahayd
496 sameeyey xuskii ugu horeeyey ee maalintan la xusayo kaasoo
xaruntii kaniisada ku xusay una bixiyey magacan ay ilaa maanta
sidato ee valentines day isagoo markii
danbena jideeyey in sanad walba markay
gaadho February 14keeda la xuso iyo
sidoo kale in maalintan loo aqoonsado maalin ciid ah oo dhamaan dadka diinta
kiristaanka ku abtirsadaa shaqooyinka ka fadhiyaan markii danbena waxaaba la
gaadhsiiyey in laga dhigo ciida labaad ee kirismaska oo lagu soo xigsiiyo ciida weyn ee kirismaska oo ay xusaan sanad
kasta 25ka December kuna beegan dhalashadii nebi ciise (CS).
Waxaan filayaa inaad si dhab ah
imika u fahamtay waxay ay tahay Valentine day iyo cida xusta iyo sababta loo
xuso balse isweydiintu waxay tahay hadaa maxaa loogu bixiyey maalinta jacaylka
Aduunka iyadoo laga dhigayo maalin
caalami ah oo ka dhaxaysa bulshaweynta caalamka taas jawaabteedu waa fududahay
maadaama iclaamka aduunka maanta wadamada kiristaanka ahi hagayaan sidoo kalena
ilbaxnimadii iyo dhaqaalihiiba iyagu gacanta ku hayaan iyaga ayuun baa caalamka
gashaday inay jirto maalinta jacaylka aduunka laakiin waxaa laynaga rabaa
inaynu iska hubsano wax kastoo ay ina hor dhigaan si aynaan ugu dhicin dabinada
doqoni ma garatayda ee ay mar kasta inala damacsan yihiin bal eeg sida dhibta
yar ee laynoo geliyey maalintan wuxuunbaa la jideeyey inay jirto maalinta jacaylka aduunka taasoo
loo xuso sanadka kasta February 14keeda taasoo ay xaflad samaysanayaan wiilasha
iyo gabadha dhalinyarada ee is jeceli iyagoo isweydaarsanaya ubaxyo iyo
hadiyado qaaliya kuna kulmaya caweysyada dhaansiga lagu ciyaaro iyo sidoo kale inay
wada jaalisaan oo wada cunteeyaan iwm
waxaa la jideeyey wax kastoo fawaaxisho ahi inay maalintan banaantay waa dabin qarsoon oo lagu duminayo diinteena
suuban ee islaamka ah iyo dhaqankeena waa inaynu indho dheer u yeelanaa
maalintan oo xuskeeda iska jiraa oo dhalinyaradeena ka wacyi gelinaa in aanay
jirin wax la la yidhaahdo maalinta jcaylka aduunka valentine day balse in
valentine day tahay maalin xuskeeda gaar u ah dadka ku abtirsada diinta
kiristaanka taasoo ay xuskeeda ku weynaynayaan baaderiyadii u shahiiday fidinta
diintooda kiristaanka.
Masha Allah wanka helay sida quruxda badan ee noola socosiisay wlll
ReplyDelete